Photo credit: International IDEA
Photo credit: International IDEA

Cilmibaadhista iyo siyaasadda

Saferworld waxa ay samaysaa cilmi-baadhis qoto dheer si loo xaqiijiyo in barnaamijyadayada iyo u doodista (advocacy) ay aasaas u tahay lafo-gur sax ah. Cilmi-baadhistii u danbaysay ee aannu samaynay waxa ay bartilmaameedsatay ujeedooyin kala duwan, ka bilow fahamka siday xubnaha bulshadu u wajahaan iyo sida ay arkaan dib u habaynta dimoqraadiyadeed ilaa sida abuuritaanka maamul goboleedyadu ay saamaynta ugu leedahay maamulka iyo dib-u-heshiisiinta Jubaland. Waxa aannu sidoo kale la shaqaynaa kooxaha iyo cidaha aanu iskaashiga la leenahay ee Soomaaliya si loo dhiso awoodooda samaynta cilmi-baadhs oo la xaqiijiyo in fahamkooda khilaafka, maamulka iyo abuurista maamul goboleedyadu ay ku dhisan tahay cilmi-baadhis.  

 Cilmi-baadhistayadu waxa ay sahamisay sida ay bulshooyinku u arkaan jilayaasha khilaafyada sida qabiilada, dawladda iyo jilayaasha aan dawliga ahayn ee hubaysan sida Al Shabaab. Iyada oo lagu dul dhisayo cilmi baadhis hore u jirtay oo laga sameeyey Jubaland, Saferworld waxa ay eegaysaa baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo laga gaadho Soomaaliya si loo caawiyo abuurista nabad iyo xasilooni. Cilmi-baadhistayada, oo gaadhaysa Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Banadir, waxa ay lafo-guraysaa waxyaabaha ku wareegsan siyaasadaha iyo khilaafyada hada jira iyo is-bedelada ku yimaadda duruufta ee caawimo ama waxyeello u gaysan kara heshiisyda ay suurtagalka tahay in la gaadho. Waxa ay sidoo kale lafo-guri doontaa dhaqamada ugu wanaagsan ee laga baran karo dalalka kale ee la xidhiidha hababka khilaafyada, kuwaas oo ay ku jiraan Al Jeeriya, Kolombiya (Colombia) iyo Sira Liyoon (Sierra Leone). Fahamka laga qaato guulaha iyo guuldarooyinka dalalkaas laga baran karo waxa ay gacan ka gaysan doontaa in la dhiso kayd aqooneed oo soo saari kara talo-soo jeedimo loo jeediyo Somalia si loo dhiso nabad waarta.

 Kooxda Saferworld ee ka shaqaysa Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay ka sameeyaan ololo u doodis ah (advocacy) dhamaan shaqooyinka barnaamijyadayada, iyaga oo xidhiidh kala sameeya cidaha go’aanada qaata ee heer caalami iyo gudaha Soomaaliya-ba ee la xidhiidha talo soo jeedimaha siyaasadaha (policy) iyo dhaqamada ee laga dheegtay khibradda iyo aqoonta aannu u leenahay goobaha iyo duruufaha. U doodistu waxa ay wax ka qabatay arimaha dimoqraadiyadaynta iyo maamul wanaagga, sinaanta jinsiga (gender equality), nabad dhisidda iyo sida ay bulshada caalamku ay qaab sidan ka wanaagsan ula xidhiidhi lahayd Soomaaliya si wax looga qabto arimaha walaaca ku ah dadka Soomaalida ah.

Publications

All publications